meere yare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meere yare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Ku-wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meere yare
Asteroid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meereyare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Ku- wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereyare
-ha: (magac, lab, keli) kuwareege yar waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 km.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meere-yare
Asteriod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meere
meere¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
meere²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meere
meere¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
meere²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Asteriod
Meere-yare
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Asteroid
Meere yare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heer sare
-ah: (adj) 1. high-level. 2. superb (supeerb); excellent (eksilant); magnificent (maag nifi sent), exquisite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryar
-ta: (magac, dhedig, keli) xubin uurkujirta ka mid ah oo dhinaca bidix ee caloosha ku taal oo sameysa qayb ka mid ah unugyada dhiigga cad oo la yidhaado limfoosiid. Dh: baankariya, beeryaro.
beeryar -ta: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca beeryarta, oo carruurta caloosha laga gubo. Beeryar haysa cunugga. Dh: beeryaro, weled.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraro
(fal) kelidaa ama iskaa meerarka dibida iyo qalabkooda samayso. Meeraro dibida waa duhure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereyn
m.f.dh eeg meeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meerameerow samayn oo isku duurid. Meereynta waa lagu wareeraa.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
weerare
attacker
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerare
m. n. attacker; forward (in football), offense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerare
-weeraraha: (n) attacker (a-taakar); assaulter (a-sool-ter); assailant (a-seeylant); aggressor ~ weerar qaade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerare
de: attacker; [ext.] forward (in football), offense
initial: w
lx: weerare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: weerare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeryaro
(Beeryara-da)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah oo beerka u eg oo dhiigga wax ka samaysa.
2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (cilmiga naflayda) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeryaro
f. n., [compound] spleen, pancreas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeryaro
-beeryarada: (n) pancreas (paangkariyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeryaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beeryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeryaro
cf: ganac, taxaal
de: pancreas, spleen
lx: beeryaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: beeryaro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeleeye
m. n. preposition {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeleeye
-meeleeyaha: (n) [Grammar]: preposition (porep 'a-sishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeleeye
-ha: (magac, lab, keli) falalka naxwaha nooc ka mid ah.
meeleeye-ha: (magac, lab, keli) qof wax intuu meel dayacan ka qaado meel lagu ogyahay dhiga. Samood waa meeleeye ammaana xafid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeleeye
de: preposition {grammar}
lx: meeleeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: meeleeye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
meeleeye
حَرْفٌ جَر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Meel ku warwareegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meereyso
v. wander around, move about through (an area)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meereyso
de: wander around, move about through (an area)
lx: meereyso
pd: (meereystay)
ps: v3b=
key: meereyso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meritare
v.tr. - mutaysasho, istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeb yar
m.dh (xeebo yaryar, m.l) (jooloji) Liidka dhulka xeebta ah ee la jeeda badaha ama harooyinka; badanaa waxaa la yirahdaa waa dhulka u dhexeeya xarriiqa u hooseeya mawjadda badda iyo ka u sarreeya ee ay soo gaari karaan mawjadaha baddu.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb yar
Beach
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BEER-YARO
(Beriaro) N Kalanchoe flammea Stapf. Crassulaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kale
(adv) elsewhere (elas-weer); another place
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meel mari
v. put into effect; find a place ~ solution for; make something function; cause to come to pass; apply to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerexeer
-ka: (magac, lab, keli) dariiqyada ay maraan meerayaalku marka ay wareegayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho. 2. Wax rarkiisa saani ku dadantahay ahaansho (awr raran).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meereysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho. 2. Wax rarkiisa saani ku dadantahay ahaansho (awr raran). m.f.dh, meereysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meereysan
-meeraysnaa: (adj) fenced (feensidh); encircled (en-seer-kalidh); enclosed (en-kalawsidh); circular (ser-kilaar) ~ wareegsan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
méprendre
méprendre, se, v. - khaldamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
querelare
v.tr. - dacweyn, ashkateyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
segregare
v.tr. - takoorid, faquuqid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAGDE-YARE
(Madeyare) May Elaeodendron aquifolium (Fiori) Chiov. Celastraceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ampere turn
Duub Ambiyeer
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ampèremètre
ampèremètre,n.m. - Aalad ama Qalab lagu qiyaaso qulqulka korontada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
deteriorare
v.tr. - sii xumayn, sii baabi'in.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
determinare
v.tr. - xaddidin, sugid; sababid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARQO YARE
Indigofera schimperi 01
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
interessare
v.tr.- xiisagelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysasho
m.f.dh eeg meerayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meereysasho
-da: (magac, dhedig, keli) warwareegid oo kolba meel ka meerid. Dh: wareegeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereysnaan
m.f.dh eeg meereysan. la-mid: meereysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkiyuuri
m.l (kiimika) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. la-mid: meerkuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkiyuuri
m.l (kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. la-mid: meerkuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkiyuuri
-ga: (magac, lab, keli) (kiimika) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. Dh: meerkuri.